Kulanka galabta Premier League ee kooxaha Bournemouth iyo Manchester City oo gaar u ah David Silva

(Bournemouth) 25 Agoosto 2019. Kooxaha Bournemouth iyo Manchester City ee kulan ka tirsan horyaalka Premier League galabta ciyaari doona, iyadoo kulankan uu David Silva u yahay mid gaar ah.

Kooxda xafidanaysa horyaalka Premier League ee Manchester City ayaa eegeysa inay wadada guusha dib ugu soo laabato kaddib barbarihii 2-2 oo ay la galeen Tottenham, marka ay galabta oo Axad ah u safrayaan Bournemouth.

David Silva ayaa ku soo bilowday safka hore ee kulanka isagoo xiran calaamadda hoggaaminta, waxaana uu galabta ciyaaraya kulankiisii 400-aad ee kooxda Manchester City.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close