Kooxda Manchester City oo shaacisay sababta uu Gabriel Jesus ku seegay kulanka galabta ay la leeyihiin Bournemouth

(Bournemouth) 25 Agoosto 2019. Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa shaaca ka qaaday sababata uu Gabriel Jesus ku seegay kulanka galabta ay la leeyihiin Naadiga Bournemouth ee horyaalka Premier League.

Kooxda xafidanaysa horyaalka Premier League ee Manchester City ayaa eegeysa inay wadada guusha dib ugu soo laabato kaddib barbarihii 2-2 oo ay la galeen Tottenham, marka ay galabta oo Axad ah u safrayaan Naadiga Bournemouth.

Naadiga Sky Blue lagu naanayso waxa ay xaqiijisay in Weeraryahankeeda Gabriel Jesus uu kulankan ku seegay dhaawac dhanka muruqa ah oo ku soo gaaray tababarka.

Bayaan ay kooxda Man City soo dhigtay barteeda Twitter-ka oo ay ku xaqiijisay maqnaanshiyaha weeraryahankeeda reer Brazil ee Gabriel Jesus ayaa u dhignaa;-

“Gabriel Jesus waxa uu la dhibtoonayaa dhaawac muruqa ah oo ku soo gaartay tababarka, waxaana uu seegi doonaa kulanka maanta ee Bournemouth.

“Waxa uu dib taam ahaansho buuxda ugu soo laaban doonaa kaddib ciyaaraha heerka caalami.

“Qof waliba oo City ah waxa uu Gabriel u rajaynayaa soo kabasho deg deg ah.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close