Juventus oo guul kaga daah furatay horyaalka Serie A, kaddib markii ay ka badisay kooxda Parma… + SAWIRRO

(Parma) 24 Agoosto 2019. Kooxda kubadda cagta ee Juventus ayaa guul muhiim ah kaga daah furatay horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga xili ciyaareedkan cusub ee 2019/20, kaddib markii ay guul 1-0 ah ka gaartay naadiga Parma.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-0 ay ku hogaamineysay kooxda Juventus.

Daqiiqadii 21-aad ee qeybta hore ciyaarta Giorgio Chiellini ayaa dheesha ka dhigay 1-0, kaddib caawin uu ka helay saaxiibkiis reer Brazil ee Alex Sandro.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed soo jiidashado leh, waxayna abuureen fursado halis ah. Inkastoo Juventus ay aheyd kooxda sameysay fursadaha ugu badan.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 1-0 ay ku adkaatay kooxda Juventus waxayna gacanta ku dhigeen saddexdooda dhibcood ugu horeysay horyaalka Serie A xili ciyaareedkan cusub ee 2019/20

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close