Horudhaca kulanka maanta ee Premier League Kooxaha Norwich City vs Chelsea… (Tababare Lampard oo raadinaya guushiisii ugu horreysay!)

(Norwich) 24 Agoosto 2019. Kooxaha Norwich City iyo Chelsea ayaa maanta wada ciyaari doona kulan ka tirsan horyaalka Premier League Ingiriiska.

Macallin Frank Lampard ayaa raadin doona guushiisii ugu horreysay ee tartan rasmi ah isagoo tababare u ah kooxda Chelsea marka ay maanta oo Sabti ah booqanayaan garoonka Carrow Road, halkaasoo ay kula ciyaari doonaan naadiga Norwich City.

Laacibkii hore ee khadka dhexe Blues, Lampard ayaa kaliya uruursaday hal dhibic lix dhibcood oo suuro-gal u ahaa inuu qaato horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, sidoo kale waxa ay kooxda Liverpool rigooreyaal uga qaaday koobka UEFA Super Cup.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Premier League

Taariikhda: Sabti, 24 Agoosto 2019

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 2:30 Duhurnnimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: ​Martin Atkinson (England)

Garoonka: Carrow Road

Wararka Kooxaha:-

Difaaca kooxda Norwich ee Timm Klose ayaa ciyaari kara markii ugu horreysay xilli ciyaareedkan kaddib markii uu ka soo kabsaday dhaawac sinta ah.

Onel Hernandez ayaa muddo saddex bilood ah garoomada ka maqnaanaya kaddib markii qalliin looga sameeyey Jilibka, laakiin Christoph Zimmermann ayaa ka soo laaban kara dhaawac dhanka jilibka ah oo uu la maqnaa.

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Chelsea, N’Golo Kante ayaa shaki laga galinayaa kulankan kaddib dhibaato dhaawac oo uu ka qabo Canqowga.

Daafaca Blues ee Antonio Rudiger ayaa dib u soo laaban kara safka kooxda Chelsea, kaddib markii uu afar bilood garoomada kaga maqnaa dhaawac dhanka jilibka ah.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Norwich City ayaa guul la’aan ah 10-kii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League oo ay wajahday kooxda Chelsea, waxaana ay kala kulantay 2 barbaro iyo 8 guuldarro, tan iyo markii ay 3-0 kaga adkaatay kulan ka dhacay garoonka Carrow Road bishii December ee sanadkii 1994-kii markaasoo uu naadiga watay John Deehan.

>- Tartammada oo dhan kooxda Chelsea ayaa guuldarro la’aan ah 15-kii kulan ee ay wajahday Norwich City, waxaana ay ka wadataa 10 guul iyo 5 barbaro oo ay ku jiraan inay guuldarro ka fogaatay Blues todobadii kulan ee ugu dambeeyey oo ay u safartay garoonka Carrow Road, halkaasoo ay ku soo qaadatay 4 guul iyo 3 barbaro.

>- Norwich City ayaa guul gaartay kaliya hal jeer 15-kii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League oo ay gurigeeda kula ciyaartay lixda kooxood ee sare, waxaana ay qaateen 7-dhibcood 45-dhibcood oo suuro-gal u ahaa inay helaan, iyagoo kooxaha ‘big six’ la isku yiraahdo ka helay 1 guul, 4 barbaro iyo 10 guuldarro.

>- Kooxda Norwich ayaa eegeysa inay guul ku gaarto garoonkeeda saddex kulan oo isku xiga horyaalka Premier League markii ugu horreysay tan iyo bishii December sanadkii 2012-kii, markaasoo ay gurigeeda ciyaaraha horyaalka ku adkaatay 5 kulan oo xiriir ah.

>- Chelsea ayaa guul la’aan ah afartii kulan ee ugu dambeeyey oo horyaalka Premier League ay ku soo ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda, waxaana ay wadataa 2 barbaro iyo 2 guuldarro, iyagoo ku guul darreystay inay shabaqa soo taabtaan saddex ka mid ah kulamadaas, markii ugu dambeysay oo ay Blues muddo dheer bannaanka ku soo badin waysayna waxay ahayd markii ay todobo kulan ciyaareen intii u dhaxeysay September iyo December sanadkii 2015-kii goortaasoo uu macallin u ahaa Jose Mourinho oo 6 kulan ay soo adkaan waayeen iyo Guus Hiddink oo ay hal kulan badan waayeen.

>- Kooxda Chelsea ayaan ku guuldarreysan inay guul gaari weyso saddexdeeda kulan ee ugu horreeya horyaalka Premier League tan iyo xilli ciyaareedkii 1998-99 markaasoo uu kooxda macallin u ahaa Gianluca Vialli, yeelkeede Blues ayaa kaalinta saddexaad ku dhammaysatay xilli ciyaareedkaas, waxaana ay soo baxeen Champions League markoodii ugu horreysay.

>- Xiddiga kooxda Norwich ee Teemu Pukki ayaa noqon kara ciyaaryahankii 10-aad oo gool dhaliya mid kasta oo ka mid ah saddexdiisii kulan ee ugu horreysay oo horyaalka Premier League uu ka soo muuqdo, waxaana uu shabaqa soo taabtay afar jeer labadiisii kulan oo uu ciyaaray horyaalka illaa iyo haatan, kaliya waxaa ka badan Pavel Pogrebnyak oo shan gool dhaliyey saddexdiisii kulan ee ugu horreeyey oo uu ciyaaray tartankan.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

Norwich: Krul; Aarons, Hanley, Godfrey, Lewis; Trybull, Leitner; Cantwell, Stiepermann, Buendia; Pukki.

Chelsea: Kepa, Azpilicueta, Christensen, Rudiger, Emerson; Kante, Jorginho, Mount; Pedro, Giroud, Pulisic.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close