SHAX isku dhaf ah oo laga sameeyay Liverpool vs Arsenal ka hor kulankooda habeen dambe ee Premier League… (Reds oo xiddigaha ugu badan ku leh)

(Liverpool) 23 Agoosto 2019. Labada kooxood ayaa rikoor guulo 100% ku bilowday kaddib labadii kulan oo ay ciyaareen horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan 2019-20.

Waxa ay labada kooxood ku ciyaarayaan berri oo Sabti ah garoonka Anfield, kooxda Liverpool ayaana isku diyaarinaysa inay Arsenal soo dhoweyso kulankooda saddexaad ee horyaalka Premier League kal ciyaareedkan.

Liverpool ayaa xilli ciyaareedkan ku bilaabatay guul 4-1 oo ay ka gaartay Norwich City ka hor inta aan loo diiwaan gelin guul kale ee 2-1 ah oo ay ka gaartay Southampton.

Dhinaca kale Arsenal ayaa guul 1-0 ka gaartay Newcastle United oo ay booqatay, halka 2-1 ay kaga adkaatay kooxda Burnley oo ay ku soo dhoweysay garoonkeeda Emirates.

Reds ayaa 5-1 uga adkaatay Gunners intii lagu guda jiray xilli ciyaareedkii hore ee 2018-19, halka Arsenal aysan garaacin Liverpool kulan Premier League tan iyo bishii April sanadkii 2015-kii.

Xaqiiqdii, kooxda reer London ayaa kaliya labo kulan guul gaartay 12-kii ciyaarood ee ugu dambeeyey oo labadan kooxood dhexmara.

Haddaba Shabakadda ciyaaraha ee Sporsmole ayaa shax isku dhaf ah ka sameeyay kooxaha Liverpool iyo Arsenal ka hor kulankooda habeen dambe ee horyaalka Premier League.

Reds ayaana xiddigaha ugu badan laga siiyay shaxdan isku dhafka ah, waxaana ay ku leedahay siddeed ciyaaryahan, halka Gunners ay ku leedahay kaliya saddex xiddig.

EEG SHAXDA:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close