Juan Mata oo shaaca ka qaaday sababaha ku kalifay inuu sii joogo Manchester United

(Manchester) 23 Agoosto 2019. Xiddiga reer Spain ee Juan Manuel Mata ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa kooxda Manchester United, iyo aragtidiisa mustaqbalka soo aadan ee kooxda Ole Gunnar Solskjær.

31 jirkan reer Spain ayaan boos joogta ah ka helin kooxda Man United xili ciyaareedkii hore, laakiin wuxuu ku rajo weyn yahay nasiibkiisa iyo fursada uu heli karo xili ciyaareedkan iyo awooda uu ugu dagaallami karo inuu ka mid noqdo shaxda kooxda Red Devils.

Xiddiga reer Spain ee Juan Manuel Mata ayaa wareysi uu bixiyay dhawaantan wuxuu ku sheegay:

“Waxaan doonayay inaan joogo sababtoo ah ma cafin leheyn nafsadeyda haddii aan baxo, waxaan soo qaatay waqtiyo adag, sababa la xiriira inaan ka maqnaaday shaxda kooxda”.

“Kooxda ma asyan ku jirin xaalad fiican, waxayna la kulantay dhaleeceen xoogan, waxay ii aheyd arrin fudud inaan isdhiibo oo aan isaga tago kooxdan”.

“Laakiin hadda waxaan ku faanayaa inaan wali halkaan joogo, Waxaan doonayaa inaan kula dagaalamo iyaga tartamada waa weyn, waxaana doonayaa inaan soo celiyo United”.

Si kastaba ha noqotee, Mata ayaa United-ka kaga soo biiray Chelsea lacag dhan £ 37m sanadkii 2014-kii, kaddib markii uu la soo qaaday koobka Champions League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close