“Bale iyo Zidane waa inay noqdaan sida ragga oo kale”

(Madrid) 23 Agoosto 2019. Weeraryahan hore ee kooxaha Manchester United iyo Tottenham Hotspur ayaa ku faraxsan in Gareth Bale uu la sii joogo Real Madrid xilli ciyaareedkan cusub ee 2019/20.

Dimitar Berbatov ayaa soo jeediyay xalka lagu soo afjari karo qalalaasaha u dhexeeya xiddiga reer Weles ee Gareth Bale iyo macalinka kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane.

Dimitar Berbatov ayaa tilmaamay in Bale iyo Zidane ay noqdaan laba rag isla markaana ay wada fariistaan si looga wada hadlo xalinta dhamaan dhibaatooyinkii ka dhexeeyey xiliyadii lasoo dhaafay.

Wargeyska “AS” ee dalka Spain ayaa shaaca ka qaaday hadalada Berbatov kaddib wareysi uu bixiyay wuxuuna yiri:

Dimitar Berbatov has revealed why he 'loves' the Arsenal duo

“Ma jiraan wax ka fiican inay u wada fariistaan sida labo rag oo kale Gareth Bale iyo Zidane, si loo xaliyo khilaafaadka ka dhexeeya isla bilawga xili ciyaareedkan”.

“Kaliya waxaa wanaagsan in la fariisto si loo xaliyo khilaafaadka jira, xaaladahan oo kale waaa iney dhex maraan macalinka iyo ciyaaryahanka”.

“Waan ku faraxsanahay inay u muuqdaan in wax walba ee u dhexeeyay Zidane iyo Ble la xaliyay, sababtoo ah waxaan jeclahay inaan ku arko xiddiga reer Weles gudaha garoonka, Haa, waxaan doonayaa inaan ku sii arko kooxda Real Madrid”.

“Marka uu ku gudi jiro xaaladiisa ugu wanaagsan waa sida saaruuqii oo kale, waa inay ka taxadiraan taageerayaasha Real Madrid sababtoo ah waxay doonayaan inuu baxo”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close