Klopp oo u diray Bayern Munich fariin la xiriirta Coutinho

(Yurub) 22 Agoosto 2019. Macalinka kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jürgen Klopp ayaa u diray naadiga Bayern Munich fariin ku socota xiddiga reer Brazil ee Philippe Coutinho.

Bayern Munich ayaa xaqiijisay inay kula wareegtay laacibkii khadka dhexe ee kooxda Barcelona Philippe Coutinho heshiis hal xili ciyaareed oo amaah ah oo ay dhiibeen 8.5 milyan oo euro, iyagoo dooq u ahaysta inay 120 milyan oo euro ku wada iibsadaan xagaaga soo socda.

Jürgen Klopp ayaa kaddib ku biirista Philippe Coutinho ee kooxda Bayern Munich wuxuu u diray fariin ku aadan qaabka ugu fiican ay kaga faa’ideysan karaan wiilka reer Brazil wuxuuna yiri:

“Philippe Coutinho waa ciyaartoy yaqaana sida loo xakameeyo ciyaarta, wuxuuna kooxda u caawin karaa sida ugu saxan”.

“Ma jiraan wuxuu ku soo kordhiyay kooxda Bayern Munich, tan iyo maalintiisii koowaad, laakiin maalinba maalinta ka dambaysa Bayern waxay heli doontaa ciyaaryahan aad u fiican”.

“Waa inay ku qasbaan inuu la qabsado, si ay u helaan faa’iidada buuxda, taasna waxay ku kasban doonaan Bundesliga ciyaaryahan weyn”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close