Sidee ayey u muuqanaysaa SHAXDA ay garoonka ku soo geli doonto kooxda Liverpool kulanka ay la leedahay Arsenal?

(Liverpool) 22 Agoosto 2019. Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa Sabtida marti-gelin doonta Naadiga Arsenal, iyadoo labada kooxood loo diiwaan geliyey rikoor guulo isxiga xilli ciyaareedkan cusub horyaalka Premier League.

Naadiga ka dhisan Merseyside-ka ayaa garaacday kooxaha Norwich City iyo Southampton labadii kulan ee ugu horreeyey horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, halka Gunners ay guulo ka gaartay kooxaha Newcastle United iyo Burnley.

Waa arrin u fiican labada kooxood ee Sabtida wada ciyaaraya Reds iyo Gunners, marka loo eego tartanka loogu jiro hanashada horyaalka Premier League, maadama akooxaha Manchester City, Tottenham Hotspur, Manchester United iyo Chelsea ay dhammaantood dhibco lumiyeen.

Liverpool waxaa ka dhaawacan oo kulankan seegi doona goolhaye Alisson oo kubka ka dhaawacan iyo Nathaniel Clyne oo qaba dhaawac dhanka jilibka ah, waxaana shaki la galinayaan Naby Keita oo dhaawac muruqa ah sheeganaya.

Haddaba shabakadda ciyaaraha ee Sports Mole ayaa shaacisay sida ay u muuqan karto shaxda ay kooxda Liverpool garoonka ku soo geli doonto kulanka ka dhacaya garoonka Anfield.

EEG SHAXDA:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close