RASMI: Liverpool oo heshiis cusub oo waqti dheer ka saxiixatay xiddig muhiim ka ah garoonka Anfield

(Liverpool) 22 Agoosto 2019. Kooxda kubadda cagta ee Liverpool ayaa ku dhawaaqday inay heshiis cusub oo waqti dheer ah ka saxiixatay xiddigeeda reer England ee Alex Oxlade-Chamberlain.

Xiddiga reer England ayaa sii kordhiyay joogitaankiisa garoonka Anfield waxaana uu Reds u saxiixay heshiis waqti dheer oo ku eg illaa sanadka 2023-ka, kaddib markii uu Liverpool kaga soo dhaqaaqay kooxda Arsenal bishii August ee sanadkii 2017.

26-jirkan reer England ayaa kooxda Liverpool u saftay 47-kulan, wuxuuna u dhaliyay 5 gool tan iyo markii uu yimid, wuxuuna dhawaan kasoo laabtay dhaawac ka soo gaaray dhanka jilibka bishii April 2018.

Alex Oxlade-Chamberlain ayaa kaddib markii uu saxiixay heshiiskan cusub  wuxuu kaga warbixiyay dareenkiisa website-ka kooxda Liverpool wuxuuna yiri:

“Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay in aan heshiis la gaaro, isla markaana aan qandaraaska u kordhiyo Liverpool”.

“Waxaan dareemayaa inay tahay fursad kale oo waxaan rajeynayaa inaan soo bandhigo qaab ciyaareed fiican, si aan kaga soo kabsado maqnaanshaheyga sanadkii hore”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close