Griezmann oo si jees-jees ah kaga hadlay wararka ku aadan inuu ka walaacsan yahay imaatinka Neymar Jr

(Spain) 22 Agoosto 2019. Weeraryahanka reer France iyo kooxda kubadda cagta ee Antoine Griezmann ayaa si jees-jees ah kaga hadlay wararka ku aadan inuu ka walaacsan yahay dib ugu soo laabashada Neymar Jr ee garoonka Camp Nou.

Radio “Monte Carlo” ee dalka Spain ayaa waxay ku daabaceen boggooda rasmiga ah ee Twitter, war ku aadan in Griezmann uu ka walwalsan yahay heshiiska la filayo in Neymar Jr uu dib ugu soo laabto kooxda Barcelona, xitaa haddii uu sheegay inuu faraxsan yahay.

Haddaba Antoine Griezmann ayaa kaga jawaab celiyay warkan hal erey jees jees ah uu ku soo daabacay boggiisa rasmiga ah ee Twitter-ka wuxuuna yiri:

“Runtii?, Siddeed ku ogaateen arrintaas?”.

Si kastaba ha noqotee, Barcelona ayaa waxay si xoogan u dooneysaa suuqan xagaaga inay ku qanciso kooxda PSG sida ay kaga heli leheyd adeega xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr.

Wada hadalada haataan u socda labada kooxood Barcelona iyo Paris Saint-Germain ayaa ah heshiis amaah oo mudo hal xili ciyaareed ah iyo inay dooq u yeelan karaan inay si toos ah u wada iibsadaan xili ciyaareedka soo socda.

Sidoo kale halganka loogu jiro adeega Neymar Jr, ayaa waxaa qeyb ka ah kooxaha Real Madrid iyo Juventus oo dhankooda xiiseenaya inay la soo wareegaan laacibka reer Brazil.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close