Di Maria, Sanchez iyo Djemba-Djemba oo ka mid ah 15-kii saxiix ee abid ugu xumaa oo soo mara Kooxda Manchester United!!

(Manchester) 22 Agoosto 2019. Waxaa la shaaciyey 15-kii saxiix ee abid ugu xumaa oo soo maray kooxda Manchester United, waxaana ka soo muuqday Alexis Sanchez, Di Maria iyo Djemba-Djemba.

Sanchez ayaa ku sugnaa kooxda ka arrimisa garoonka Old Trafford ee Manchester United 19-kii bilood ee la soo dhaafay, waxaana waqtigaas oo qarow ku ahaa ay haatan u muuqataa inuu soo dhammaanayo.

Waxa uu xiddiga xulka qaranka Chile uu qarka u saaran yahay inuu heshiis amaah ah ku aado kooxda Inter Milan ee dalka Talyaaniga, waxaana heshiiskaas lagu darayaa inay Inter si joogto ah ula wareegto xagaaga soo socda.

Waxaa markii hore loo arkayey Sanchez inuu yahay xiddigii badbaadin lahaa Manchester United kaddib markii ay saxiixiisa ku daraaceen kooxda ay isku magaalada ka dhisan yihiin ee Manchester City, waxaana ay ku qaateen adduun dhan 30 milyan oo gini.

Markii uu Sanchez ku biiray kooxda Manchester United ee ka dhisan magaalada Manchester waxa uu qalinka ugu duugay heshiis uu isbucii mushahar ahaan ugu qaadanayo 505 kun oo gini, kaasoo aad u sarreeya.

Mushaharkaas faraha badan waxa uu Alexis kooxda Man United ugu abaal-guday inuu u dhaliyey kaliya 5 gool 45 kulam oo uu u ciyaaray, haddaba su’aasha la isweydiinayo ayaa ah miyuu Sanchez yahay saxiixii abid ugu xumaa kooxda Manchester United?.

Marka loo eego qiimaha uu mushahar ahaa u qaadanayo goolasha yar, bandhig xumadiisa, dhaawacyada la dagay iyo waxtar la’aantiisa hubaal shaki kuma jiro inuu yahay saxiixii abid ugu xumaa ee soo mara kooxda Manchester United.

Yeelkeede, xiddiga xulka qaranka Chile ma’ahan kaliya saxiixii abid ugu xumaa ee ay taariikhda la soo wareegto kooxda Manchester United ee sidoo kale Red Devils ayaa horay u sameysay xiddigo ku fashilmay markii ay soo qaadatay.

Man United waxa ay qaladaad badan ka sameysay suuqa kala iibsiga xiddigaha, haatan kama hadlayno kaliya ee sidoo kale waxaan ka hadlaynaa intii uusan ciyaaraha ka fariisan macallinkii guulaha ee kooxda Man United Sir Alex Ferguson.

Haddaba waxaan halkaan hoose ku eeg 15-kii saxiix ee abid ugu xumaa oo soo maraya kooxda kubadda cagta Manchester United & Xiddig waliba qaabka iyo qiimaha ay kula soo wareegtay:-

1 | Alexis Sanchez | £30m

2 | Bebe | £7.4m

3 | Kleberson | £5.9m

4 | Eric Djemba-Djemba | £3.5m

5 | Anderson | £20m

6 | Angel di Maria | £59.7m

7 | Morgan Schneiderlin | £25m

8 | Owen Hargreaves | £16.9m

9 | Falcao | £6m amaah

10 | Juan Sebastian Veron | £28.1m

11 | Massimo Taibi | £4.5m

12 | Gabriel Obertan | £3m

13 | Manucho | Beeca xorta ah

14 | Diego Forlan | £6.9m

15 | David Bellion | £3m

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close