Rivaldo oo sheegay xiddiga uu jeclaan lahaa in Neymar Jr uu ka garab ciyaaro haddii uu ka dhaqaaqo PSG

(Yurub) 21 Agoosto 2019. Xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr ayaa lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqayo midkood kooxaha Barcelona, ​​Real Madrid iyo Juventus inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga.

Haddaba halyeeyga reer Brazil iyo kooxda Barcelona ee Rivaldo ayaa wareysi uu bixiyay dhawaantan wuxuu kaga hadlay suurtogalnimada uu Neymar Jr ugu biiri karo kooxaha Juventus iyo Barelona xagaagan.

“Waxay noqon doontaa arrin aad ugu wanaagsan Brcelona, inkasta oo wax walba ay dhaceen markii uu ka tagayay kooxda, balse waa ciyaaryahan awood u leh inuu qofkasta mar kale qanciyo”.

Rivaldo ayaan sidoo kale meesha ka saarin suurtogalnimada ah in la arko Neymar Jr iyo Cristiano Ronaldo oo ka wada ciyaaraya kooxda Juventus wuxuuna yiri:

Image result for Rivaldo and Neymar cristiano

“Waa wax aad u wanaagsan in la arko Neymar Jr oo kula sugan Cristiano Ronaldo kooxda Juventus, waxay sameyn doonaan bandhig fiican”.

“Kooxda reer Talyaani haatan waxay heysataa hal xiddig oo kaliya, waxay u yeelan doontaa faa’iido weyn haddii uu halkaas gaaro kooxda iyo ciyaartoyda”.

Intaas kaddib halyeeyga reer Brazil iyo kooxda Barcelona ee Rivaldo ayaa wuxuu hadalkiisa ku soo xiray:

“Waxa ugu fiican ayaa ah in Neymar Jr uu kaga tago Paris St Germain sida ugu dhaqsida badan ee suurtogalka ah, sababtoo ah kaddib wixii dhacay wey ku adkaan doontaa inuu sii joogo”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close