Lucas Torreira, Matteo Guendouzi iyo Josh Kroenke oo ugu waa weyn maanta wararka suuqa kala iibsiga ee kooxda Arsenal

(London) 21 Agoosto 2019. Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la dhibtoonaysa inay xilli ciyaareedkii hore ee 2018-19 ku dhammaysato afarta sare ee horyaalka Premier League.

Tababare Unai Emery kooxdiisa ayaa fursad kale oo ay kaga soo qeyb gali kartay Champions League xilli ciyaareedkan heshay balse waxaa laga adkaaday Final-kii Europa League.

Haddaba warbixinnadii dhanka suuqa kala iisbiga xiddigaha ee kooxda Arsenal kuwaasoo ugu weynaa maanta oo Arbaco ah waxaa soo bandhigtay shabakadda Sports Mole.

Matteo Guendouzi oo qarka u saaran inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa Arsenal:-

>- Arsenal ayaa la soo warinayaa inay isku dayayso inay heshiis cusub oo shan sanadood ah ka saxiixato da’yarkeeda khadka dhexe ee Matteo Guendouzi.

Wakiilka Lucas Torreira oo shaaca ka qaaday in kooxda Arsenal ay laacibka ka hor istaagtay AC Milan:-

>- Wakiilka ciyaaryahan Lucas Torreira ayaa shaaca ka qaaday in Arsenal ay ka hor istaagtay xiddigan khadka dhexe inuu ku biiro Naadiga AC Milan horraantii xagaagan.

Josh Kroenke oo shaaca ka qaadya in Ganacsiga xagaaga ay samaysay Arsenal ay ka dhigtay koox adag:-

>- Kroenke ayaa shaaca ka qaaday in ganacsiga xagaagan ay sameysay Arsenal ay xaqiijinayso inay weli awoodeedu nooshahay, waxaana uu dareensan yahay in guuldarradii Final-ka Europa League ay wax waliba sabab u ahayd.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close