Claudio Bravo, Jadon Sancho, Eduardo Camavinga oo ugu waa weyn maanta wararka suuqa kala iibsiga ee kooxda Man City

(Manchester) 21 Agoosto 2019. Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa qaab wacan ku jirta kaddib markii ay xilli ciyaareedkii hore hanatay horyaalka Premier League.

Waxa ay horyaalka Premier League 98 dhibcood kaga qaadeen kooxda kaalinta labaad horyaalka ka gashay ee Liverpool.

Tababare Pep Guardiola kooxda uu hoggaamiyo ayaa rajaynaysa inay xilli ciyaareedkan markeedii saddexaad oo xiriir ah ku guuleysato horyaalka Prhemier League.

Haddaba warbixinnadii dhanka suuqa kala iisbiga xiddigaha ee kooxda Machester City kuwaasoo ugu weynaa maanta oo Arbaco ah waxaa soo bandhigtay shabakadda Sports Mole.

Jadon Sancho oo heshiis cusub u saxiixaya  Borussia Dortmund si meesha looga saaro xiisaha Manchester City:- 

Borussia Dortmund ayaa la warinayaa inay Jadon Sancho heshiis cusub ka saxiixanayso si meesha looga saaro xiisaha uga imaanaya kooxaha Manchester City iyo Manchester United.

Man City oo xiiseynaysa saxiixa xiddiga naadiga Rennes ee Eduardo Camavinga:-

Manchester City, Arsenal iyo Tottenham Hotspur ayaa dhammaantood xiiseynaysa saxiixa da’yarka 16-sano jirka ah ee naadiga Rennes, Eduardo Camavinga.

Goolhaye Claudio Bravo oo ka tagaya kooxda  Manchester City:-

Goolhayaha reer Chile ee Claudio Bravo ayaa la soo warinayaa inuu ka tagayo kooxda Manchester City marka uu dhammaado qanadaraaskiisa oo ku eg bisha June sanadka 2020-ka, iyadoo labada dhinac midkoodna uusan dooneynin inuu kordhiyo joogitaankiisa kooxda Man City.

Manchester City oo xiiseynaysay saxiixa Florentinio Luish:-

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa la soo warinayaa inay xiiseynaysay saxiixa laacibka khadka dhexe ee naadiga Benfica, Florentino Luis horraantii suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaagan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close