Christian Pulisic, Michy Batshuayi iyo Davide Zappacosta oo ugu waa weyn maanta wararka suuqa kala iibsiga ee Kooxda Chelsea

(London) 21 Agoosto 2019. Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa filanaysa inay sameyso wax ka wanaagsan wixii ay soo qabatay xilli ciyaareedkii hore.

Macallin Maurizio Sarri oo Chelsea u qaaday koobka Europa League, isla markaana masuul ka ahaa inay ku dhammaystaan kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier League ayaa ka tagay kooxda.

Sidoo kale Blues waxa ay lumisay xiddigoodii sare ee xulka qaranka Belgium Eden Hazard, kaasoo ku biiray Real Madrid xagaagan.

Kooxda waxaa hoggaankeeda la wareegay Tababare Frank Lampard, balse weli waxa uu ku dhibtoonayaa inuu gaaro guushiisii ugu horreysay ee kooxda reer London horyaalka Premier league.

Haddaba warbixinnadii dhanka suuqa kala iisbiga xiddigaha ee kooxda Chelsea kuwaasoo ugu weynaa maanta oo Arbaco ah waxaa soo bandhigtay shabakadda Sports Mole.

Chelsea Davide Zappacosta u ogolaanaysa inuu amaah ku aado kooxda Roma:-

>- Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa la soo warinayaa inay ku faraxsan tahay inay Davide Zappacosta u ogolaato inuu amaah ku aado naadiga horyaalka Serie A ka dheesha ee AS Roma.

Michy Batshuayi oo doonaya inuu sii joogo oo uu u dagaallamo booskiisa kooxda Chelsea xilli ciyaareedkan:-

>- Weeraryahan Michy Batshuayi ayaa la soo sheegayaa inuu doonayo inuu sii joogo oo uu u tartamo booskiisa safka koowaad tababare Frank Lampard ee kooxda Chelsea kaddib markii xilli ciyaareedyadii dhowaa uu amaah ku qarash-gareeyey.

Christian Pulisic oo iska diiday u dhaqaaqista kooxda Manchester United sabab la xiriirta Macallin Jose Mourinho.

Christian Pulisic ayaa la soo warinayaa inuu u dhaqaaqay Chelsea halkii uu aadi lahaa kooxda Manchester United, maxaa yeelay Aabihiisa ayaan jeclayn macallin Jose Mourinho… Guji halkaan si aad u aqrisato warbixintaan oo dhammaystiran.

GOOL FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close