Miyuu macallinka Kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer xaqiijiyey bixitaanka Alexis Sanchez?

(Yurub) 20 Agoosto 2019. Alexis Sanchez ayaa ka tagi kara garoonka Old Trafford, Macallinka kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa sidaa yiri kaddib markii kooxdiisa ay xalay barbaro 1-1 la dhaafi weysay naadiga Wolves.

Intii lagu guda jiray shirkiisii jaaraa’id ee Jimcihii, Solskjaer ayaa u muuqday mid shaaciyey in dhammaadka uu ku dhow yahay bixitaanka Sanchez kaddib markii xiddigan reer Chile ay dhaawacyo la dageen, isla markaana uusan bandhig wacan samaynin tan iyo markii uu kaga soo biiray Arsenal bishii Janaayo ee sanadkii 2018.

Solskjaer oo ka hadlay xaaladda 30-sano jirkaan Sanchez ayaa sheegay markaas inuu dib u heli doono ciyaaryahanku bandhigiisii wacnaa ee Man United, laakiin maalmo kaddib macallinka reer Norway ayaa albaabada u furay bixitaanka xiddiga ugu mushaarka badan horyaalka Premier League.

Wakaaladda Wararka ee PA ayaa fahamsan in kooxda Inter Milan ay xiiseynayso saxiixa laacibkan, isla markaana ay doonayso inay gaysto garoonka San Siro, kaddib markii ay horraantii xagaagan dhammaystireen saxiixa weeraryahankii Naadiga Man United ee Romelu Lukaku.

Markii wax laga weydiiyey mustaqbalka Sanchez kaddib kulankii xalay ay barbaraha 1-1 la galeen kooxda Wolves, Macallin Solskjaer ayaa yiri: “Hagaag, weli waxaa jira dhowr todobaad oo ka harsan suuqa kala iibsiga, waxaana jira fursad, qaar ka mid ah kooxaha ayaa soo bandhigay xiisaha ay u qabaan Alexis, sidaa darteed waan arki doonnaa waxa dhaca, ma sheegi karo wax intaa ka badan.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close