Klopp oo sharaxaad ka bixiyay sababta layaabka lah ee ka dambeysay inay ku fashilmaan dib u soo celinta Coutinho

(England) 20 Agoosto 2019. Macalinka reer Germany iyo kooxda Liverpool ee Jürgen Klopp ayaa ka hadlay sababihii kahor istaagay inay markale la soo saxiixdaan xiddigoodii hore ee reer Brazil Philippe Coutinho.

Kooxda Bayern Munich ayaa xaqiijisay inay la wareegtay laacibkii khadka dhexe ee kooxda Barcelona, Philippe Coutinho.

Bayern ayaa ku qaadatay Coutinho heshiis hal xilli ciyaareed amaah ah oo ay dhiibeen 8.5 milyan oo euro, iyagoo dooq u ahaysta inay 120 milyan oo euro ku wada iibsadaan xagaaga soo socda.

Image result for Philippe Coutinho To Bayern

Jürgen Klopp ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Bild” ee dalka Germany wuxuu ku sheegay:

“Waxay u muuqataa layaab, laakiin ma awoodi karno lacagaha lagu bixinayo heshiiska Coutinho, waan qarash gareeynay lacagtii aan isaga dartiis ku helnay”.

“Waa ciyaaryahan fiican oo da’ayar ah, waan ka laba-labeenay inaan iibino waqtigaas laakiin Barcelona ayaa nagu qasbay inaan lacago ka sameyno”.

Intaas kaddib tababare Jurgen Klopp ayaa amaaney kartida iyo kalsoonida xiddiga reer Brazil iyo inuu ku guuleysan karo kooxda Bayern Munich wuxuuna yiri:

“Coutinho wuxuu kaligiis isbadal ka sameyn karaa kulamda oo dhan, joogitaankiisa Bayern uma wanaagsana Borussia Dortmund, laakiin waa heshiis aad ugu fiican Bayern iyo horyaalka Bundesliga”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close