Kaliya saddexda kooxood oo uu doonayo inuu midkood ku biiro Christian Eriksen oo daaha laga rogay

(London) 20 Agoosto 2019. Laacibka khadka dhexe ee Tottenham Hotspur, Christian Eriksen ayaa la soo warinayaa inuu xiiseynayo inuu u dhaqaaqo xagaagan midkood kooxaha Barcelona, Real Madrid ama Juventus.

Xiddiga reer Danish kaasoo kaliya hal sano uu kaga haray heshiiskiisa uu haatan ku joogo kooxda ka dhisan Waqooyiga Magaalada London ayaa la rumeysan yahay inuu iska diiday inuu heshiis cusub u saxiixo Spurs, kaasoo uu todobaadkii ku qaadan lahaa 200,000 oo gini.

Ciyaaryahankan khadka dhexe ka dheela ayaa meesha ka saaray inuu ku biirayo kooxda Manchester United horraantii xagaagan, maxaa yeelay ciyaaryahankii hore ee Ajax ayaa kaliya xiiseynaya inuu u dhaqaaqo kooxaha sare ee La Liga ama Serie A.

Shabakadda ciyaaraha ee ESPN ayaa warinaysa in 27-sano jirkaan uu doonayo inuu ku biiro mid ka mid ah kooxahaas, midkoodna ma aysan muujin wax dan gaar ah oo la xiriira saxiixiisa, kooxda Juventus ayaana heysata illaa iyo Jimcaha inay ku dhammeystirto heshiiska laacibkan, iyadoo suuqa kala iibsiga Isbaanishku uu furan yahay illaa iyo 02 bisha Sebtember.

Eriksen ayaa ka soo muuqday labadii kulan ee Premier League ay ciyaartay Tottenham illaa iyo haatan, isagoo ku bilawday safka hore kulankii Manchester City ee Sabtidii la soo dhaafay, halka uu kursiga keydka ka soo kacay kulankii ay la dheeleen Aston Villa ee furitaanka horyaalka xilli ciyaareedkaan cusub.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close