Juventus oo war rasmi ah ka soo saartay xaalada caafimaad ee tababare Maurizio Sarri

(Turin) 20 Agoosto 2019. Kooxda kubadda cagtaJuventus ayaa soo saartay bayaan rasmi ah oo ku saabsan xaalada caafimaad ee macalinka reer Talyaani ee Maurizio Sarri.

Naadiga Bianconeri ayaa shaacisay in 60 jirkan uu la dhibtoonayo cudurka burukiitada, taasoo kaga bilaabatay kaddib markii uu haleelay hargab.

Tababarihii hore ee kooxda Chelsea ayaa xanuunsaday isbuucii hore wuxuuna u baahday daaweyn caafimaad dhowr jeer.

Warka kasoo baxay kooxda reer Talyaani ee Juventus ayaa lagu sheegay:

“Maurizio Sarri, kaddib indha indheynta fasaxa dabayaaqada ee toddobaadka, wuxuu maanta ku sugnaa magaalada Continassa, wuxuuna isku dubbariday shaqada shaqaalihiisa”.

“Nasiib darro-se, isagu ma hoggaamin karin tababarka garoonka dhexdiisa ah, sababa la xiriira inuu wali qabay hargab, kaasoo uu la xanuunsanaa tan iyo isbuucii la soo dhaafay”.

“Gelinkii dambe, wuxuu maray baaritaano caafimaad oo dheeri ah kaasoo lagu cadeeyay inuu qabo cudurka burukiitada, waxaana loo qoray daawooyin gaar ah”.

Si kastaba ha noqotee, waxaan wali la ogeyn haddii uu awoodi doono tababare Maurizio Sarri inuu hogaamiyo Juventus kulanka furitaanka ee horyaalka Serie A-da oo ay kula ciyaari doonaan kooxda Parma maalmo kaddib.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close