Weeraryahanka Kooxda Barcelona ee Lionel Messi oo tababarka buuxa dib ugu soo laabanaya

(Barelona)19 Agoosto 2019. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa helaysa war farxad leh kaddib markii uu soo baxay warka sheegaya in Lionel Messi uu diyaar u yahay inuu dib ugu soo laabto tababarka buuxa ee kooxda koowaad.

Ciyaaryahankan ayaa la maqnaa dhaawac kubka ka soo gaaray intii uu ku guda jiray waajibaadka xulkiisa qaranka, weeraryahankan ayaana awoodi waayey inuu ciyaaro kulankii koowaad ee furitaanka horyaalka La Liga oo ay kooxdiisa Barcelona la ciyaartay Athletic Bilbao.

Xiddiga xulka qaranka Argentina ayaana seegay kulankaas oo kooxdiisa Catalan guuldarro 1-0 kala kulantay Bilbao, inkastoo haatan ay u muuqato in macallin Ernesto Valverde uu dib u heli doono 32-sano jirkaan.

Jariiradda AS ayaa warinaysa in Messi uu tababarka ka qeyb qaadan doono berri oo Talaado ah, isla markaana la filayo inuu qeyb yar ka qaato kulanka ku soo aaddan kooxdiisa Barcelona oo ay garoonkeeda ku soo dhoweynayso Real Betis.

Barcelona ayaa haatan fadhisa kaalinta 17-aad ee kala sarreynta horyaalka La Liga kaddib markii la ciyaaray todobaadkii ugu horreeyey horyaalka Spain.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close