“Waan jeclahay taageerayaasha Liverpool” – Maxamed Saalax

(England)19 Agoosto 2019. Weeraryahanka kooxda kubadda cagta ee Liverpool ee Maxamed Saalax ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan mustaqbalkiisa ciyaareed ee England iyo qaarada Yurub.

Xiddiga reer Masar ee Maxamed Saalax ayaa muujiyay sida weyn ee uu ugu faraxsan go’aankii uu markale dib ugu laabtay England iyo inuu u ciyaarayo kooxda Liverpool.

Maxamed Saalax ayaa sidoo kale sheegay inuu ku noolyahay waqtigiisii ugu fiicnaa ee xirfadiisa kubadda cagta xiligan la joogo.

Saalax ayaa dhinaca kale si weyn u amaanay Liverpool iyo taageerayaashiisa, isagoo caddeeyay inuu aad u jecel yahay jamaahiirta Reds, sida ay u jecel yihiin oo kale, mar walbana uu ku raaxeysto marka ay ku heysayaan magaciisa iyagoo qeylinaya gudaha garoonka.

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta ee Liverpool ee Maxamed Saalax oo la hadlayay saxaafada ayaa sheegay:

عرض الصورة على تويتر

“Waan ku faraxsanahay England, waan ku faraxsanahay Liverpool, waana ku faraxsanahay inaan joogo magaaladan”.

“Waan jeclahay taageerayaasha, sidoo kale wey i jecel yihiin, waan ku raaxeystaa heesahooda, waan ku faraxsanahay kooxda”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close