Tababare Solskjær oo markale ka hadlay mustaqbalka Pogba, kahor kulanka caawa ee Wolverhampton

(Manchester) 19 Agoosto 2019. Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær ayaa go’aamiyay mustaqbalka xiddiga reer France ee Paul Pogba.

Ole Gunnar Solskjær ayaa si cad u sheegay in Paul Pogba oo haatan 26 jir ah uu sii joogi doono kooxda Red Devils xilli ciyaareedkan.

Waxaa jiray warar badan oo la isla dhexmarayay ee ku aadanaa in xiddiga reer France uu sii joogi doono Manchester United xilli ciyaareedkan, iyadoo ay jiraan warar badan ee la xiriirinayo u dhaqaaqista kooxaha Real Madrid iyo Juventus.

Hadab tababare Ole Gunnar Solskjær ayaa kahor kulanka ay caawa la ciyaari doonaan Wolverhampton wuxuu ka hadlay arrinta xiddigiisa khadka dhexe ee Pogba wuxuuna yiri:

“Marwalba waxaad su’aal galisaan arrimaha ku saabsan Pogba, si kastaba ha noqotee, sax?”.

“Markasta waxaa jira su’aalo ku saabsan Pogba, m jirto shir jaraa’id aan ka soo muuqday ee aan ka jawaabin su’aalo ku saabsan Paul”.

“Laakiin 80% waxaan sheegay inuu ku raaxeysanayo ciyaarista kubadda cagta, wuxuuna haatan waqtigiisa ku qaadanayaa halkan”.

“Wax walaac ah kama qabo Paul Pogba aniga ahaan, wuu joogi doonaa”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close