Muxuu ka yiri Philippe Coutinho kaddib markii uu ku biiray kooxda Bayern Munich?

(Bayern) 19 Agoosto 2019.Philippe Coutinho ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay ku biiristiisa kooxda Bayern Munich.

Dhinca kale Coutinho ayaa xusay in imaatinkiisa Bayern Munich uu ka leeyahay yoolal waaweyn, isla markaana uu doonayo inuu gaaro.

Kooxda Barcelona ayaa goordhow shaacisay inay kala heshiisay dhigeeda Bayern Munich in xiddiga reer Brazil ee Philippe Coutinho uu ugu dhaqaaqo garoonka Allianz Arena, heshiis halxili ciyaareed amaah ah iyo lacago dhan 8.5 milyan euro, iyo sidoo kale in heshiiska uu qeyb ka yahay  in Bayern ay bixin doonto 120 milyan oo euro haddii ay dooneyso in si toos ah ay u iibsato  adeegiisa xilli ciyaareedka soo socda.

Philippe Coutinho ayaa suuqan xagaaga oo dhan lala xiriirinayay inuu ka tagayo safka Barcelona, isla markaana uu ku biirayo Paris Saint-Germain si uu qeyb kaga noqdo heshiiska Neymar Jr dib loogu soo celinayo garoonka Camp Nou, laakiin sheekada waxay ku soo gabagaboowday inuu u dhaqaaqo Bayern Munich.

Xiddiga reer Brazil ee Felipe Coutinho ayaa xiran doona lambarka 10-aad ee kooxda Bayern Munich, kaasoo uu xiran jiray halyeeyga Bayern ee Arjen Robben.

Haddaba Philippe Coutinho ayaa kaddib markii uu saxiixay heshiiska cusub uu ugu biiray Bayern Munich wuxuu wareysi siiyay website-ka rasmiga ah ee kooxda waxaana uu yiri:

 The Brazilian has agreed a season-long loan deal which includes the option to buy for £110m next summer

“Aniga ahaan, isbaddalkan waxay ila mid tahay loolan cusub, wadan cusub iyo mid ka mid ah kooxaha ugu fiican adduunka”.

“Waxaan runtii eeganayaa waaya-aragnimadan cusub, waxaan leeyahay hadafyo waa weyn sida Bayern Munich, waana hubaa inaan taasi ku sameyn karo asxaabteyda cusub ee kooxda”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close