Manchester United oo barbaro la dhaafi weysay kooxda Wolverhampton… _ SAWIRRO

(England) 19 Agoosto 2019. Kooxaha Wolverhampton iyo Man United ayaa ku kala baxay barbaro 1-1 ah kulankooda labaad ay ku wada ciyareen horyaalka Premier League xili ciyaareedkan cusub ee 2019/2020.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hogaamineysay kooxda Manchester United.

Daqiiqadii 27-aad Anthony Martial ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Manchester United, wuxuuna dheesha ka dhigay 1-0, kaddib caawin uu ka helay saxiixbkiis Marcus Rashford.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay kooxda Manchester United ayaa ciyaarta ku soo gashay dardar xoogan waxayna abuureen fursado badan si u dhaliyaan goolka labaad ee dheesha, dhankeeda Wolverhampton ayaa raacdo u gashay sida ay ku heli lahaayeen goolka barbaraha.

Laakiin daqiiqadii 55-aad xiddiga Wolverhampton ee Ruben Neves ayaa gool aan inaba caadi aheyn ee qurux badan wuxuu ka dhaliyay kooxda Manchester United, wuxuuna ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1 ah, Joao Moutinho ayaana goolkan caawiyay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay barbaro 1-1, ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Wolverhampton iyo Man United, kulankoodii labaad horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close