Kaddib markii ay Bayern Munich ku dhawaaqday saxiixa Coutinho wax ka ogow xiddigaha ay la soo wareegtay kooxda reer Jarmal xagaagan

(Munich) 19 Agoosto 2019. Kooxda Bayern Munich ayaa xaqiijisay inay maanta la soo wareegtay laacibkii khadka dhexe ee Barcelona, Philippe Coutinho.

Waxa ay ku soo qaateen heshiis amaah hal xilli ciyaareed ah oo ay dhiibeen 8.5 milyan oo euro, iyagoo dooq u ahaysta inay 120 milyan oo euro ku wada iibsadaan xagaaga soo socda.

Xiddiga xulka qaranka Brazil ayaana xiran doona lambarka 10-aad ee kooxda Bayern Munich, waxaana uu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyey ee lambarkaan xirta tan iyo markii uu labarkaan ka tagay Arjen Robben.

Haddaba waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbinaynaa shanta saxiix oo ay kooxda Bayern Munich xagaagan:-

Philippe Coutinho oo ay ku soo qaadatay amaah.

Ivan Perišić oo ay ku soo qaadatay amaah.

Lucas Hernandez oo ay kula soo wareegtay 68 milyan oo gini.

Benjamin Pavard oo ay kula soo wareegtay 31.4 milyan oo gini.

Michaël Cuisance oo ay ku soo qaadatay 11milyan oo gini.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close