Horudhaca: Wolves vs Man United – Wax waliba oo aad uga baahan tahay kulanka caawa ee Premier League

(Wolverhampton) 19 Agoosto 2019. Kooxda Manchester United ayaa u safreysa Magaalada Wolverhampton si ay halkaas caawa ugu wajahdo naadiga Wolves kulan ka tirsan horyaalka Ingiriiska.

Kooxda Wolverhampton Wanderers ayaa garoonkeeda Molineux ku soo dhoweynaysa Manchester United kulankeeda labaad ee xilli ciyaareedkan cusub horyaalka Premier League.

Red Devils ayaa si qurux badan ku bilaabatay xilli ciyaareedkan cusub horyaalka Ingiriiska kaddib markii ay 4-0 kaga adkaatay naadiga Chelsea ciyaartoodii furintaanka English Premier League ee ka dhacay garoonka Old Trafford.

Kulankan Man United waxa ay goolasha ka kala heshay Marcus Rashford oo labo dhaliyey iyo goolal kale oo ka kala yimid Anthony Martial iyo Daniel James taasoo dhibcaha siisay kooxda uu hoggaamiyo macallin Ole Gunnar Solskjaer.

Tababare Nuno Espirito Santo kooxda uu hoggaamiyo ee Wolves ayaa dhankeeda barbaro goolal la’aan 0-0 la gashay Leicester City kulankoodii furintaanka horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Premier League

Taariikhda: Isniin, 19 Agoosto 2019

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Jonathan Moss (England)

Garoonka: Molineux Stadium

Wararka Kooxaha:-

Wolves ayaa la filayaa inay dib ugu yeerto xiddigo ay dhigatay si ay u wajahaan Manchester United kaddib guushoodii ay ka gaareen kooxda FC Pyunik ee Europa League.

Weeraryahannada Pedro Neto iyo Patrick Cutrone ayaa bandhig cajiib ah sameeyey kulankii Khamiistii, laakiin Raul Jimenez iyo Diogo Jota kuwaasoo goolal cajiib ah dhaliyey kulankii ay 4-0 ku adkaadeen ee Europa League ayaa soo laaban kara kulanka caawa.

Rui Patricio, Ryan Bennett, Ruben Neves, Jonny iyo Matt Doherty ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu kulanka caawa dib ugu yeero macallin Nuno Espirito Santo.

Macallinka Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer oo dhaawacyo cusub qabin ayaa kooxdiisa ula safray garoonka Molineux.

Alexis Sanchez iyo Fred ayaa la tacaalaya dhaawacyo soo gaaray kulamadii isudiyaarinta xilli ciyaareedka cusub, halka daafacyada Eric Bailly iyo Timothy Fosu-Mensah ay weli dhaawacyo ku maqan yihiin.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Wolves ayaa guuldarro la kulmin saddexdii kulan ee Manchester United ay la ciyaartay tartammada oo dhan xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, waxaana ay ka heshay 2 guul iyo 1 barbaro, labada guul ayaana yimid iyadoo lagu ciyaarayay garoonka Molineux.

>- Wolves ayaa guuldarro la’aan ah siddeedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League oo ay ku ciyaartay garoonkeeda, waxaana ay haystaa 6 guul iyo 2 barbaro, iyadoo kulamadaas ay ku jiraan guushii ay garoonkan kaga gaartay Manchester United.

>- Kooxda Wolves ayaa caawa eegeysa inay gaarto guusheedii saddexaad oo xiriir ah kulamada sare iyadoo ku ciyaaraysa garoonkeeda Molineux markii ugu horreysay tan iyo bishii November sanadkii 1980-kii.

>- Manchester United ayaa guul la’aan ah ama guul gaari weysay afartii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League oo ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda, waxaana ay la soo kulantay 1 barbaro iyo 3 guuldarro, markii ugu dheereyd oo ay Man United kulamada horyaalka guul ku soo gaari weysay bannaanka kulamo badan waxay ahayd intii u dhaxaysay  bilaha April illaa November sanadkii 2014-kii, markaasoo 7 kulan ay soo adkaan weyday iyadoo marti ah, xilligaasna kooxda waxaa isku bedbedalay macallimiinta David Moyes, Ryan Giggs iyo Louis van Gaal.

>- Tababare Ole Gunnar Solskjær ayaa guuldarro la kulmay dhammaan saddexdii kulan ee uu wajahay kooxda Wolves tartammada oo dhan, labo guuldarro ayuu kala kulmay isagoo hoggaaminaya Man Utd xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, halka guuldarrada kale ay ka soo gaartay bishii Agoosto sanadkii 2014-kii isagoo watay kooxda Cardiff City.

>- Ciyaaryahanka kooxda Wolves ee  Raul Jiménez ayaa ku lug yeeshay 7 gool oo horyaalka Premier League isagoo ka hor jeeda lixda kooxood ee waa weyn xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, 4 gool waa uu dhaliyey halka 3 kale uu caawiyey, kaliya Sergio Aguero oo 9 gool ku lug yeeshay iyo Raheem Sterling oo 8 gool gacan ka geystay ayaa in ka badan sameeyey.

>- Anthony Martial ayaa 49 gool u dhaliyey kooxda Manchester United tartammada oo dhan, waana in ka badan ciyaaryahan kasta oo kale oo kooxda ka tirsan tan iyo waqtigaa, waxaana uu noqon karaa ciyaaryahankii 53-aad ee kooxda u dhaliya 50 gool dhammaan tartammada.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

Wolverhampton Wanderers (3-5-2): Patricio; Bennett, Coady, Boly; Doherty, Dendoncker, Neves, Moutinho, Jonny; Jimenez, Jota.

Manchester United (4-3-3): De Gea; Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Shaw; Pogba, McTominay, Pereira; Lingard, Martial, Rashford.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close