Philippe Coutinho oo gaaray dalka Jarmalka ka hor inta uusan dhammaystirin ku biiristiisa kooxda Bayern Munich

(Munich) 18 Agoosto 2019. Laacibka khadka dhexe ee kooxda Barcelona, Philippe Coutinho ayaa gaaray dalka Jarmalka ka hor inta uusan tijaabada caafimaad u marin naadiga Bayern Munich.

Laacibkan reer Brazil ayaa hal sano iyo bar ku qaatay garoonka Camp Nou, Barcelona ayaana ciyaaryahankan Coutinho u ogolaatay inuu hal xilli ciyaareed oo amaah ah ku qaato koxda Bayern Munich.

Yeelkeede, kooxda xafidanaysa horyaalka Bundesliga ayaa si rasmi ah u xaqiijisay Jimcihii inay horumar fiican ka sameysay heshiiska ciyaaryahankan, laakiin kubbad sameeyahan ayaan weli tijaabada caafimaad u marin kooxda ka dhisan Jarmalka.

Taasi waa inay dhacdaa saacadaha soo addan, maadaama 27-sano jirkaan la sawiray isagoo sii galaya xarunta tababarka ee kooxda Bayern Munich.

Haddii qaab rasmi ah loo soo gabagabeeyo heshiiska, Coutinho ayaa la filayaa inuu ka dhex muuqdo marka ay kooxda Bayern Sabtida la ciyaareyso Naadiga Schalke 04.

Kooxda uu hoggaamiyo macallin Nico Kovac waxay xilli ciyaareedkan ku bilaawdeen barbaro 2-2 ah oo ay garoonkooda kula galeen Naadiga Hertha Berlin.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close