Real Madrid oo u dooratay xiddig ka tirsan kooxda Chelsea bedelka heshiiska Neymar Jr

(Madrid) 17 Agoosto 2019. Wargeyska Isbaanishka ah ee “AS” ayaa shaaca ka qaaday maanta oo Sabti ah, in Real Madrid uu hogaaminayo macalinkeeda reer France ee Zinedine Zidane ay u arkaan xiddiga reer Mareykan iyo kooxda Chelsea ee Christian Pulisic inuu yahay badalka saxda ah ee heshiiska Neymar Jr hadii ay dhacdo inay ku fashilmaan raacdada ay ugu jiraan saxiixiisa inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga.

Neymar Jr ayaa si weyn lala xiriirinayaa inuu dib ugu laabanayo garoonka Camp Nou, kaddib markii uu si cad u sheegay inuusan dooneynin inuu sii joogo Paris, halka wafdi ka socda Barcelona ay u safreen dalka France si ay ugala xaajoodaan PSG suurtogalnimada ay dib kaga ceshan karaan xiddigan reer Brazil.

Dhinaca kale kooxda Real Madrid ayaa muujisay sida xoogan ay u xiiseeneyso adeega Neymar Jr, waxayna rajo weyn ka qabaan saxiixiisa inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga.

Image result for christian pulisic

Yeelkadeeda, Paris Saint-Germain ayaa dhankeeda raadineysa inay dib u soo ceshato lacagihii ay 2017-kii kula soo saxiixatay xiddiga reer Brazil Neymar Jr ee gaarsiisnaa 222 milyan euro.

Sida uu hadalkiisa sii raaciyay Wargeyska Isbaanishka ah ee “AS” Real Madrid ayaa ka dhiganeysa Christian Pulisic bar-tilmaameed buuxa, kaasoo dhawaan yimid kooxda Chelsea, balse Los Balncos waxay u aragtaa inuu yahay bedelka ugu habboon haddii ay ku fashilmaan heshiiska Neymar Jr.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close