Liverpool oo guusheedii labaad xiriir ah ee horyaalka Premier League ka gaartay Southampton … SAWIRRO

(England) 17 Agoosto 2019. Kooxda Liverpool ayaa guul dirqi ah kala soo laabatay garoonka St. Mary’s., kaddib markii ay 2-1 kaga soo adkaatay Southampton, kulankooda labaad horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan 2019/2020.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hogaamineysay kooxda Liverpool.

Daqiiqadii 45-aad ee ku dhawaad dhamaadka qeybtii hore ee ciyaarta Sadio Mane ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Liverpool, wuxuuna dheesha ka dhigay 1-0., kaddib caawin uu ka helay waayeelka Reds ee James Milner.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay kooxaha Southampton iyo Liverpool ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican ee ku saleysnaa weerar iyo weerar celis, waxayna abuureen fursado dhowr ah ee loo filan karay goolal.

Daqiiqadii 71-aad Roberto Firmino ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxdiisa Liverpool wuxuuna dheesha ka dhigay 2-0.

Laakiin xiddiga kooxda Southampton ee Danny Ings ayaa daqiiqadii 83-aad ciyaarta ka dhigay 2-1.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2-1, ay guusha ku raacday Kooxda Liverpool, waxayna awoodeen in saddexda dhibcood ay kaga soo qaataan Southampton garoonka St. Mary’s.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close