Horudhaca kulanka Celta Vigo vs Real Madrid: Macallin Zidane iyo Los Blancos oo u baahan inay guul ku furtaan horyaalka La Liga

(Vigo) 17 Agoosto 2019. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan ka bilaabaysa garoonka Estadio Balaidos, halkaasoo ay kula ciyaari doonaan naadiga Celta Vigo.

Maanta ayaa iyagoo u baahan inay guul ku furtaan horyaalka La Ligaha Spain xilli ciyaareedkan 2019-20 waxa ay u safrayaan Balaidos, halkaasoo ay Los Blancos kula dheeli doonto kooxda Celta Vigo.

Labada kooxood ayaa qaab ciyaareed niyad-jab leh ku dhammaystay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, Real Madrid ayaana ku dhammaysatay iyagoo 19-dhibcood ka dambeeyey kooxda hanatay horyaalka ee Barcelona, halka Celta kaliya ay ka fogaatay kaalimaha loogu laabto heerka labaad.

Macallin Zidane iyo kooxdiisa Real Madrid ayaa doonaya inay guul ku furtaan horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan isla markaana ay ka faa’iideystaan guuldarradii xalay soo gaartay kooxda xafidanaysa horyaalka ee Barcelona.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: La Liga

Taariikhda: Sabti, 17 Agoosto 2019

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 6:00 Maqribnimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Xavier Estrada Fernandez (Spain)

Garoonka: Estadio Balaidos

Wararka Kooxaha:-

Real Madrid ayaa ganaax ku weynaysa xiddigeeda Dani Caravajal, halka Marco Asensio uusan diyaar ahayn kulankan kaddib markii dhaawac halis ah oo soo gaaray intii lagu guda jiray kulamadii isu-diyaarinta xilli ciyaareedka.

Celta ayaan heli doonin kulankan Santi Mina kaasoo kooxda dib ugu soo biiray xagaagan ka hor inta uusan dhaawac soo gaarin.

Xiddigaha kale ee Celta ka dhaawacan waxaa ka mid ah Hugo Mallo, Sergio Alvarez iyo Junca.

Dhinaca kale Los Blancos waxaa shaki laga galinayaa ciyaaryahan Eden Hazard oo dhaawac uu soo gaaray, iyadoo la sheegayo inuu seegi doono kulankan.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Real Madrid ayaa guuldarro la’aan ah tobankeedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka La Liga oo ay wajahday Celta Vigo tan iyo sanadkii 2014-kii, waxaana loo diiwaan geliyey 9 guul iyo 1 barbaro.

>- Celta ayaa soo gabagabaysay xilli ciyaareedkii hore ee 2018-19 iyagoo guuleystay afar kulan shantii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku ciyaartay oo ay ku jirtay guushii 2-0 ee ay ka gaareen kooxda horyaalka hanatay ee Barcelona kulamadii 36-aad.

>- Los Blancos ayaa xilli ciyaareedkii hore ku dhammaysatay iyadoo ay soo gaareen labo guuldarro oo isxigay iyo kaliya hal guul shantii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka La Liga.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

CELTA DE VIGO

(4-4-2): Ruben Blanco; Kevin Vasquez, Aidoo, Araujo, Olaza; Brais Mendez, Yokuslu, Lobotka, Sisto; Iago Aspas, Fernandez.

Xiddigaha ka maqnaanaya: Hugo Mallo (Injured), Sergio Alvarez (dhaawac), Junca (dhaawac), Santi Mina (dhaawac)

REAL MADRID

(4-3-3): Courtois; Alvaro Odriozola, Varane, Sergio Ramos, Marcelo; Modric, Casemiro, Kroos; Vinicius Junior, Benzema, Izco.

Xiddigaha ka maqnaanaya: Dani Carvajal (Suspended), Marco Asensio (dhaawac), Hazard (dhaawac)

Halkaan hoose ka eeg min shantii kulan ee ugu dambeeyey ee labada kooxood:-

Celta de Vigo

10th August: Celta de Vigo 1 – 2 Lazio

6th August: Celta de Vigo 0 – 1 Tenerife

3rd August: Union Berlin 0 – 3 Celta de Vigo

27th July: Celta de Vigo 1 – 0 Lille

20th July: Celta de Vigo 3 – 0 Lugo

Real Madrid

11th August: Roma 2 – 2 Real Madrid

7th August: Salzburg 0 – 1 Real Madrid

31st July: Real Madrid 5 – 3 Fenerbahce

30th July: Real Madrid 0 – 1 Tottenham Hotspur

27th July: Real Madrid 3 – 7 Atletico Madrid

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close