Halyeey Arsenal ah oo sheegay inuusan kalsooni ku qabin daafaca Liverpool, gaar ahaan Virgil van Dijk

(England) 17 Agoosto 2019. Mid ka mid ah halyeeyada kooxda Arsenal ayaa sheegay inuusan kalsooni ku qabin qeybta daafaca ee Liverpool xilli ciyaareedkan, gaar ahaan ninka reer Holland Virgil van Dijk,

Charlie Nicholas oo ka mid ah halyeey kooxda Arsenal ayaa sheegay kahor kulanka ay maanta Liverpool kula ciyaari doonto horyaalka Premier League dhigeeda Southampton inuusan kalsooni ku qabin qeybta daafaca ee Liverpool xilli ciyaareedkan

Charlie Nicholas ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada caanka ah “”Sky Sports” ee dalka England wuxuu ku sheegay:

Image result for Charlie Nicholas and Virgil van Dijk

“Kuma qanacsani difaaca kooxda Liverpool xili ciyaareedkan, gabi ahaanba maahan heer la mid ah sida xili ciyaareedkii hore oo kale”.

“Ma rajeynayo in daafaca Liverpool uu noqon doono mid fiican, gaar ahaan kaddib markii uu dhaawacmay goolhaayaha reer Brazil ee Alisson Becker”.

“Virgil van Dijk wali khaladaad ayuu sameynayaa, waa ciyaaryahan kubadda cagta ee aad u qurux badan, waana ku raaxeysanaa inaan daawano isaga, laakiin qaladaad ayuu sameynayaa”.

“Southampton ayaa la filayaa inay goolal dhaliso inta lagu jiro kulanka maanta ee horyaalka, waxay ila tahay inay si fiican kaga soo muuqan doonaan ciyaarta Liverpool, kaddib guuldaradii ka soo gaartay kulankii Burnley”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close