Arsenal oo guul muhiim ah ku gaartay Emirates Stadium, kaddib markii ay ka adkaatay kooxda Burnley… SAWWIRO

(England) 17 Agoosto 2019. Kooxda Arsenal ayaa guul muhiim ah ku gaartay Emirates Stadium., kaddib markii ay 2-1 kaga adkaatay naadiga Burnley, kulankooda labaad horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan.

Qeybtii hore ee ciyaarta labada kooxood ayaa sameeyay qaab ciyaareed aad loogu riyaaqay, waxayn soo bndhigeen kubad ku saleysan weerar iyo weerar celis.

Labada kooxood ayaa waxay ku kala nasteen qeybta hore barbaro 1-1 ah.

Daqiiqadii 13-aad ee ciyaarta Alexandre Lacazette ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Gunners, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0.

Ku dhawaad dhamaadka qeybta hore ee ciyaarta gaar ahaan daqiiqadii 43-aad xiddiga kooxda Burnley ee Ashley Barnes ayaa ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1 ah.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood Arsenal iyo Burnley ayaa waxay markale soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u fiican ee ku saleysnaa weerar iyo weerar celis, waxayna sameeyeen fursado dhowr ah ee loo filan karay goolal.

Daqiiqadii 64-aad Pierre-Emerick Aubameyang ayaa hogaanka u dhiibay kooxda Arsenal wuxuuna dheesha ka dhigay 2-1, kaddib caawin uu ka helay saaxiibkiis Dani Ceballos.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2-1, ay guusha ku raacday Kooxda Arsenal, waxayna awoodeen inay saddexda dhibcood kaga qaataan Burnley Emirates Stadium.

SAWWIRO:

View image on Twitter

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close