Zidane oo soo saaray liiska xiddigaha Real Madrid ee wajihi doona kulanka Celta Vigo… (Miyeey ku jiraan Bale iyo James Rodríguez?)

(Madrid) 16 Agoosto 2019. Tababaraha kooxda kubadda cagta ee Real Madrid Zinedine Zidane ayaa soo saaray liiska xiddigaha Los Blancos ee wajihi doona kulanka Celta Vigo barri oo Sabti ah, kaasoo ah kulanka ay kaga daah furan doonaan horyaalka La Liga xili ciyaareedkan 2019/2020.

Waxaa liiskan uu ku dhawaaqay Zinedine Zidane ka maqan xiddiga reer Belgian ee Eden Hazard iyo sidoo kale Rodrygo, Ferland Mendy iyo Mariano Diaz.

Laakiin taas bedelkeeda liiskan waxaa ka soo muuqday xiddigaha James Rodríguez iyo Gareth Bale, in kasta oo ay jiraan wararka xanta ah ee ku saabsan mustaqbalkooda.

Haddaba halka hoose kaga boggo liiska xiddigaha uu ku dhawaaqay Zidane ee ka qeyb galaya kulanka Celta Vigo oo dhameystiran:

Goolhayayaasha: Courtois, Navas iyo Altube.

Difaaca: Carvajal, Militão, Ramos, Paran, Nacho, Marcelo iyo Odriozola.

Khadka dhexe: Kroos, Modrić, Casemiro, Valverde, James James Rodríguez iyo Isco.

Weerarka: Benzema, Lucas Vazquez, Gareth Bale, Luka Jovic, Brahim Díaz iyo Vinícius Júnior.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close