Tababare Frank Lampard oo amaanay N’Golo Kanté kahor kulanka Leicester City

(London) 16 Agoosto 2019. Tababaraha kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa amaanay ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer France N’Golo Kanté, kaasoo muujiyay qaab ciyaareed cajiib ah intii lagu gudi jiray kulankii Liverpool ee finalka UEFA Super Cup 2019.

Kooxda Liverpool ayaa ku guuleystay koobka UEFA Super Cup markeedii afaraad kaddib markii ay rigooreyaal 5-4 ah ku garaaceen Chelsea kulankii ka dhacay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Tababaraha kooxda Chelsea ee Frank Lampard oo ka soo muuqday shir jaraa’id kahor kulanka ay Axada la ciyaari doonaan Leicester City wuxuu si weyn ugu amaanay N’Golo Kanté wuxuu yiri:

“N’Golo Kanté ma uusan sameynin tababar badan, waxaan ku qasbanaaday inaan ilaaliyo, sababtoo ah wuxuu ciyaaray sanado badan wuxuuna la kulmay dhaawacyo halis ah”.

“Wuxuu ii sheegay dhamaadka qeybtii hore ee waqtiga dheeriga ahaa, sida in lugihiisa aysan dareen laheyn, isla markaana lugahiisa ay dhinteen, kaddibna waxaan arkay isagoo ordaya 50 yaard, taasoo aad iiga yaabisay”.

“Waan ognahay sida uu muhiim ugu yahay kooxdan, waana ku faraxsanahay inuu nala joogo, waana arkay farqiga uu sameeyay intii uu socoday kulankii Liverpool

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close