Taageerayaasha Barcelona oo kahor ciyaarta caawa dalbaday in la sameeyo saxiixa Neymar Jr

(Barcelona) 16 Agoosto 2019. Taageerayaasha kooxda Barcelona ayaa maanta oo jimco ah ku baaqay in la dhameystiro heshiiska Neymar Jr, khor inta uusan xirmin suuqan xagaaga ee 2019.

Taageerayaal dhowr ah ayaa isugu soo baxay hoteelka kooxda Barcelona ay kaga sugan tahay magaalada Bilbao, kahor kulanka ay caawa kula ciyaari doonaan Athletic Bilbao garoonka San Mamés, kaasoo lagu daah furayo horyaalka La Liga xili ciyaareedka cusub ee 2019/2020.

Taageerayaasha kooxda reer Catalonia ayaa ku qaylinayay magaca Neymar markii ciyaartoydii Barcelona ay yimaadeen hoteelkooda magaalada Bilbao, halkaas oo ay kaga dalbadeen maamulka kooxda inay sida ugu dhaqsaha badan ula saxiixdaan xiddiga reer Brazil.

Neymar Jr ayaa lala xiriiriyay inuu ku laabanayo garoonka Camp Nou, kaddib markii uu si furan ugu dhawaaqay inuusan dooneynin inuu sii joogo Paris Saint-Germain, iyadoo wafdi ka socda Barcelona ay u safreen Paris, si ay kaga xaajoodaan dib u soo celinta laacibkan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa xaqiijinaya in Barcelona ay soo bandhigtay xiddigaha Philippe Coutinho iyo Ivan Rakitic iyo lacag dhan 100 milyan oo euro si kaliya ay u helaan adeega Neymar Jr, halka Paris St Germain ay dalbatay lacago intaas ka badan.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close