Valverde oo shaaca ka qaaday liiska xiddigaha Barcelona uu ugu yeeray kulanka Athletic Bilbao ee daah furka horyaalka La Liga

(Spain) 15 Agoosto 2019. Macalinka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa si rasmi ah ugu  dhawaaqay liiska xiddigaha Barca uu ku wajihi doono kulanka habeen dambe ee Athletic Bilbao, kaasoo lagu daah furayo horyaalka La Liga xili ciyaareedka cusub 2019/2020.

Kooxda reer Spain ayaa ku shaacisay website-keeda rasmiga ah iyo dhamaan boggogeeda baraha bulshada liiska magacyada xiddigaha uu tababare Ernesto Valverde ugu yeeray kulanka habeen dambe ee Athletic Bilbao.

Waxaa liiskan ka maqan magaca kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi, sababa la xiriira dhaawac ka soo gaaray tababarka kooxda muddo laba isbuuc kahor.

Haddaba halka hoose kaga boggo liiska xiddigaha uu tababare Ernesto Valverde ugu yeeray kulanka habeen dambe ee Athletic Bilbao oo dhameystiran:

Ter Stegen, Semedo, Pique, Rakitic, Busquets, Coutinho, Suarez, Dembele, Rafael Alcántara, Lenglet, Griezmann, Jordi Alba, Carles Aleñá, Sergi Roberto, De Jong, Umtiti, Junior Firpo, Peña iyo Carles Pérez.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close