Sababta ay shaqaalaha ammaanku garoonka uga saareen Cristiano Ronaldo kulankii dhowaa ee Juventus oo daaha laga rogay

(Turin) 15 Agoosto 2019. Weeraryahanka Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaan ciyaarin kulankii sanadlaha ah ee saaxiibtinnimo kaasoo kooxda waa weyn ee Juve ay ballansanto da’yarteeda Juve B, waxaana 34-sano jiraan uu kulanka ku seegay dhaawac yar oo uu ka qabo lugta bidix.

CR7 waxa uu goob joog ka ahaa kulankan oo ka dhacay xaafada Villaer Perosa ee magaalada Turin waxaana uu soo jiitay dareenka taageerayaasha kooxda ee xaafaddaas iyo qoysaskooda kuwaasoo fursad loo siiyey inay arkaan geesigooda.

Kulanku markii uu soo dhammaaday Jamaahiirta ayaa garoonka orod ku soo galay si ay u salaamaan Weerryahanka xulka qaranka Portugal iyo kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo.

Yeelkeede, Ronaldo uma muuqan mid ku faraxsan xaaladda, waxaana garoonka ka saaray dhowr ka mid ah ilaalada kuwaasoo garbaha ka galay si aan ammaankiisa halis loo gelin.

Waa markii labaad oo ay taageerayaashu ku celiyaan dhaqankoodan, waxaana ay dhacdadan mid la mid ah sameeyeen sanadkii hore, markaasoo la joojiyey ciyaarta oo socota 20 daqiiqo kaliya kaddib markii ay Jamaahiirtu garoonka orod ku soo galeen si ay u salaamaan Cristiano Ronaldo.

Si kastaba kulanka maanta lama joojin, waxaana ay kooxda koowaad ee waa weyn goolasha ay ku adkaatay labo ka mid ah dhaliyey Paulo Dybala, xiddiga reer Argentina ayaana masuul ka ahaa guuldarrada soo gaartay Juventus B.

Ciyaaryahankii hore ee kooxda Chelsea, Juan Cuadrado ayaana kooxda waaweyn u dhaliyey goolka saddexaad kulanka ayaana ku soo dhammaaday 3-1 looga adkaaday Juve B.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close