Iván Campo oo Isbar-bardhig ku sameeyay muhiimadda ay leedahay ku guuleysiga Champions League iyo La Liga

(Yurub) 15 Agoosto 2019. Laacibkii hore kooxda kubadda cagta ee Real Madrid Iván Campo ayaa isbar-bardhigay muhiimadda ay leedahay in lagu guuleysto Champions League iyo horyaalka La Liga, wuxuuna hadalkiisan imaanayaa kaddib markii uu labada kooba lasoo qaaday Los Blancos.

Isagoo ah mid ka mid ah ciyaartoydii ugu caansaneyd kubadda cagta horaantii 2000, Ivan Campo wuxuu ku noolaa mustaqbal dheer ay ka buuxaan koobab iyo guulo, wuxuuna kula guuleystay labo tartan oo Champions League ah muddo dhan 5 sano ah uu ku sugnaa kooxda Real Madrid.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa shaaca ka qaaday wareysi uu Iván Campo bixiya wuxuuna isbar-bardhigay Champions League iyo La Liga wuxuuna yiri:

“Waxaan la qaaday Real Madrid laba koob ee Champions League ah, intii aan ku guda jiray xirfadiisa ciyaareed ee garoonka Santiago Bernabéu, laakiin waxay aniga ila tahay inay wax badan igaaga dhignaan laheyd ku guuleysiga horyaalka La Liga”.

“Tartanka horyaalka La Liga ee dalka Spain wuxuu ii lahaa muhiimad gaar ah aniga ahaan, maxaa yeelay aad ayey u adkeyd inaan ku guuleysto koobkan, waxaan aheyn kuwa ciyaara 38 kulan, si ugu dambeyntii aan ugu guuleysano koobka”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close