QISO: Kubadda cagta oo sanadkan 2019 weysay halyeeyo cajiib ah, sida Xavi, Van Persie, Čech iyo magacyo kale

(Yurub) 14 Agoosto 2019. Kubadda cagta caalamka ayaa  sanadba sanadkiisa kale lumineysa halyeeyo waa weyn oo kubadda cagta u ahaa shumac, waxaadna ka garan kartaa sida ay kubadda cagta caalamka u sii muuq beeleyso marka laga cabir qaato halyeeyada kubadda cagta ka fariisanaya.

Kaddib markii uu kubadda cagta ka fariistay halyeeyga reer Holand ee Wesley Sneijder ayaan saaxiibayaal idin kaga diyaarinay warbixin xiiso badan oo ku aaddan halyeeyada kubadda cagta ka fariistay sanadkan 2019.

Waxaa xiddigahaasi ka mid ah Xavi, Petr Čech, Robin Van Persie iyo magacyo kale oo aad u xiisi doonto, waxaana idinla wadaageynaa halyeeyadaasi iyo waxa lagu xusuusan doono sidoo kale kooxihii ay bandhigga ku sameeyeen iyo qarammadii ay ka soo jeedeen.

Warbixintaan oo dhinacyo badan taabanaysa waxaad sidoo kale ku  arki doontaa sawirradda qiiradda leh ee xiddigahaasi laga qaaday waqtigii ay kubadda cagta ciyaari jireen ama maalinkoodii ugu dambeysay ee ciyaaraha ee ka daawo muuqaalka waxaana jeedinaya C/raxmaan Maxamuud Kulane.

VIDEO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close