Muxuu ka yiri Virgil van Dijk qiimaha Harry Maguire uu dhawaan ugu dhaqaaqay kooxda Man United?

(Yurub) 14 Agoosto 2019. Daafaca kooxda kubadda cagta ee Liverpool Virgil van Dijk ayaa ka soo muuqday shir jaraa’id ee qaas ah kahor ciyaarta caawa ay kula ciyaari doonaan Chelsea koobka UEFA Super Cup, kaasoo ka dhici doono garoonka Vodafone Park magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Daafaca reer Holand ee Virgil van Dijk ayaa ka hadlay waxyaabo badan oo ku saabsan ciyaarta caawa iyo diyaargarowga Liverpool, iyo tartamada kale ee uu doonayo inuu ku guuleysto, kaddib markii uu kula guuleystay Reds Champions League dhamaadka xilli ciyaareedkii hore.

Virgil van Dijk ayaa ugu horeyn wuxuu hadalkiisa ku bilaabay:

“Waa hal ciyaar oo final ah mana jirto fursad kale, waxyaabaha la filayo oo dhami way dhici karaan, mana jiraan wax la hubo oo xaqiiqo ah, kaliya waxaan dooneynaa inaan ku guuleysano kulankan iyo koobka”.

Virgil van Dijk ayaa dhinaca kale ka gaabsaday inuu ka hadlo qiimaha Harry Maguire uu dhawaan ugu dhaqaaqay kooxda Manchester United, wuxuuna yiri:

“Waa wax aadan waxba ka qaban Karin, xitaa haddii aad ka hadasho, kaliya waxaan isku dayayaa inaan horumar sameeyo, isla markaana aan noqdo ciyaaryahan fiican”.

Ugu dambeyntii daafaca kooxda kubadda cagta ee Liverpool Virgil van Dijk ayaa wuxuu hadalkiisa ku soo xiray xiisaha uu u qabo inuu ku guuleysto koobab wuxuuna yiri:

“Xaqiiqdii sharaf ayey ii tahay inaan ku guuleysto koobab, arrimahan oo dhan waxaan wajihi doonaa in badan xiliyada soo aadan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close