Mane oo ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay kulanka Chelsea ee UEFA Super Cup 2019

(Yurub) 13 Agoosto 2019. Weeraryahanka kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa ka soo muuqday shirka jaraa’id kahor kulanka ay habeen dambe ee Arbacadaha ay kula ciyaari doonaan Chelsea koobka UEFA Super Cup 2019 garoonka Vodafone Park magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Sadio Mane ayaa ka hadlay kulanka Chelsea, iyo diyaar garowga kooxda Liverpool, iyo sida uu diyaar ugu yahay inuu ku soo bilaawdo shaxda tababare Jürgen Klopp.

Sadio Mane ayaa ku dhawaaqay inuu si buuxda ugu diyaar garoobayo inuu ku soo bilaawdo shaxda koowaad ee kulanka habeen dambe ee Arbacada ah ay la ciyaari doonaan Chelsea markii ugu horeysay ee xili ciyaareedkan.

“Xaqiiqdii waxaan ahay diyaar, shaxda gacmahaygu kuma jiraan, balse go’aanka ugu dambeeya waxaa iska leh macalinka, laakiin waxaan diyaar u ahay inaan kasoo muuqdo bilowga ciyaarta”.

“Ku ciyaarista Istanbul waa wax aad u wanaagsan, halkan waxaan ku leenahay xusuus gaar ah, waxaan rajeenayaa in nasiibka uu u hiilin doono Liverpool, sida kulankii 2005-tii” ayuu sii raaciyay hadalkiisa xiddiga reer Senegal ee Sadio Mane.

“Runtii waxaan ahay diyaar mana ahan wax cusub, ma aan helin wax fasax ah mudo toddobo sano, sidaas darteed, waa inaan berrito samaynaa”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close