Lampard oo daaha ka qaaday liiska xiddigaha Chelsea uu kala hortagayo kulanka UEFA Super Cup 2019… (Yaa Ka Maqan Yaase Ku Soo Baxay?)

(Yurub) 13 Agoosto 2019. Tababaraha kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigaha Blues uu kala hortagayo kulanka xiisaha badan ay habeen dambe ee Arbacada kula ciyaari doonaan Liverpool koobka UEFA Super Cup 2019.

Kooxaha Liverpool iyo Chelsea ayaa ku dagaalami doona garoonka Vodafone Park magaalada Istanbul ee dalka Turkiga habeen dambe ee Arbacada ah, kaddib markii ay labada kooxood ku soo wada guuleysteen tartamada Champions League iyo Europa League sida ay u kala horeeyaan.

Kooxda ka dhisan galbeedka magaalada London ee Chelsea ayaa heshay adeegyada labada xiddig Antonio Rüdiger iyo Willian, kaddib markii ay ku maqnaayeen dhaawacyo kala duwan xiliyadii lasoo dhaafay, xili sidoo kale uu liiskan ku soo baxay N’Golo Kanté.

Christian Pulisic, oo ah garablaha reer Mareykan, kaasoo xagaagan yimid Chelsea kaddib markii uu kaga soo biiray kooxda Borussia Dortmund, ayaa sidoo kale ku jira liiskan wuxuuna rajeynayaa inuu ku soo bilaawdo kulankan.

Haddaba halka hoos kaga boggo liiska xiddigaha Chelsea uu magacaabay tababare Frank Lampard oo dhameystiran:

Goolhayayaasha: Kepa, Caballero iyo Jamie Cumming.

Difaaca: Alonso, Rüdiger, Azpilicueta, Emerson, Zouma, Christensen, Zapakosta, Tomori iyo Kenedy.

Khadka dhexe: Kovačić, Kanté, Jorginho, Barkley iyo Mason Mount.

Weerarka: Willian, Pedro, Pulisic, Batshuayi, Giroud iyo Abraham.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close