Klopp oo ku dhawaaqay liiska xiddigaha Liverpool ee ka qeyb galaya kulanka UEFA Super Cup… (Yaa Ka Maqan Yaase Ku Soo Baxay?)

(Yurub) 13 Agoosto 2019. Tababaraha kooxda Liverpool Jürgen Klopp ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxdiisa ee kaga qeyb galaya kulanka UEFA Super Cup-ka ay habeen dambe Arbacada kula ciyaari doonaan Chelsea.

Waxaa la qorsheenayaa in kooxda Liverpool ay u safarto maanta oo Talaado ah magaalada Istanbul ee dalka Turkiga si ay isugu diyaariyaan halkaas kulanka UEFA Super Cup-ka ay habeen dambe Arbacada kula ciyaari doonaan Chelsea garoonka Vodafone Park.

Waxaan ku soo bixin liiska xiddigaha uu u magacaabay tababare Jürgen Klopp kulanka UEFA Super Cup-ka ciyaartoyda kala ah Dejan Lovren iyo Alisson Becker oo dhaawac ku maqan.

Haddaba halka hoos kaga boggo liiska xiddigaha Liverpool uu magacaabay tababare Klopp oo dhameystiran:

Fabinho – Virgil van Dijk – Milner – Milner – Naby Keita – Firmino – Sadio Mane – Mohamed Salah – Joe Gomez – Adrián – Henderson – Chamberlain – Adam Lallana – Lonergan – Shaqiri – Brewster – Robertson – Origi – Matip – Hoever – Kelleher – Alexander-Arnold – Elliott.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close