Arsenal oo dooneysa inay ka takhalusto AFAR ciyaartoy uu ku jiro Mohamed Elneny

(London) 13 Agoosto 2019. Wargeyska “Daily Mail” ee dalka England ayaa wuxuu tooshka ku iftiimiyay xaalada xiddiga khadka dhexe reer Masar iyo kooxda Arsenal ee Mohamed Elneny, kaddib markii la tilmaamay inuu yahay mid ka mid ah musharixiinta ka tegaya kooxda London kana mid ah afarta ciyaartoy ee kooxda ay dooneyso inay ka takhalusto.

Wargeyska ayaa wuxuu hadalkiisa intaas ku sii daray in Mohamed Elneny uu ku guuldareystay inuu helo fursado xilli ciyaareedkii hore, wuxuuna ciyaaray kaliya saddex kulan ee horyaalka Premier League ah, halka Unai Emery uu ku tiirsan yahay xiddigo kale ee khadka dhexe ah.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in  Mohamed Elneny uu ku dhow yahay inuu wareego midkood kooxaha ka dhisan dalka Turkiga ee Galatasaray iyo Fenerbahce, iyadoo midba mida kale ay xiiseeneyso addeega xiddiga reer Masar.

Yeelkadeeda, xiddigaha ay dooneyso Arsenal inay ka takhalusto ama qaab amaah ahaan ay ku bixiso waxaa ka mid ah Emil Smith Rowe, Shkodran Mustafi, Nacho Monreal iyo Mohamed Elneny.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close