Wakiilka Paulo Dybala oo ka dagtay magaalada….

(Paris) 12 Agoosto 2019. Xiddiga Juventus ee Paulo Dybala ayaa ku dhow inuu ka tago kooxda lagu naaneyso marwada duqda ah inta uusan xirmin suuqan xagaaga ee 2019.

Paulo Dybala ayaa xiliyadii lasoo dhaafay ku dhawaaday inuu u wareego horyaalka Premier League, kaddib markii ay saxiixiisa u dhaqaaqeen kooxaha Manchester United iyo Tottenham, kahor inta aysan wada hadalada burburin.

Sida laga soo xigtay shabakada “Ray Sport”, wakiilka Paulo Dybala ayaa lagu arkay caasimada Paris shalay oo Axad ah, taasoo sii xoojineysa wararka la xiriirinaya xiddigan reer Argantina inuu u dhaqaaqo caasimada Faransiiska.

Joogitaanka wakiilka Dybala ee magaalada Paris ayaa la micno ah in labada dhinac ay ka wada hadli doonaan suurtogalnimada uu ku hirgali karo heshiiska ciyaaryahankan.

Macalinka kooxda Juventus ee Maurizio Sarri ayaa kaddib kulankii ay la ciyaareen Atletico Madrid ayaa si maldahan u sheegay in Paulo Dybala uu ka tagi karo garoonka Allianz xili ciyaareedka cusub.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close