“Paris Saint-Germain ma heli doonto badalka Neymar Jr” – Thomas Tuchel

(Paris) 12 Agoosto 2019. Waxaa dhawaanahan horumaro cusub ee muhiim ah laga sameeyay arrinta ku aadan mustaqbalka xiddiga reer Brazil iyo kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar Jr.

Laakiin macalinka reer Germany ee maamula kooxda Paris Saint-Germain Thomas Tuchel ayaa ku adkeysanaya inuusan arki doonin ciyaaryahan qaban kara howsha la filayo inuu ka dhaqaaqo Neymar Jr.

Thomas Tuchel ayaa u sheegay TV-yada dalka Faransiiska:

“Haddii aan lumino Neymar Jr malaha ma awoodi doono inaan seexdo”.

“Wali wuu nala joogaa waana ciyaartoy muhim ah, mana u maleyn doono inaan lumino ciyaaryahan isagoo kale ah, ma heli doono xiddig sameyn kara waxa uu sameynayo”.

Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay, Real Madrid ayaa haatan ah kooxda inta badan ugu cad cad inay ku guuleysato adeega 27 jirkan reer Brazil, inkastoo rabitaanka laacibka ee markii hore ay si cad ugu muuqatay inuu doonayo dib ugu laabashada kooxda Barcelona.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close