Mourinho oo amaanay xiddig ka tirsan Man United, kaddib guushii weyneyd ay ka gaareen Chelsea

(Manchester) 12 Agoosto 2019. Macalinkii hore Manchester United ee Jose Mourinho ayaa sheegay in Harry Maguire uu awood muuqata siiyay qeybta daafaca ee kooxda Red Devils kulankii shalay ay 4-0 kaga badiyeen naadiga Chelsea, kaasoo ay kaga daah furteen horyaalka Premier League.

Harry Maguire ayaa wuxuu noqday daafaca ugu qaalisan adduunka kaddib markii ay United-ka ku badalatay adeegiisa qiimo dhan 80 milyan ginni, kahor inta uusan xiddiga reer England bandhig fiican ka sameynin shalay kulankiisa ugu horeeyay ee garoonka garoonka Old Trafford.

Hadaba Jose Mourinho oo horey u soo hogaamiyay kooxaha Man United iyo Chelsea ayaa inta uu ku gudi jiray falaqeynta shabakada “Sky Sports” ee kulankan wuxuu sheegay:

Image result for Jose Mourinho and Harry Maguire

“Harry Maguire wuxuu ahaa qof aad u adag”.

“Sida aan xili kasta sheego Victor Lindelof, wuxuu noqon karaa ciyaariyahan aad u wanaagsan, joogitaanka Harry Maguire waxay ka dhigi kartaa inay si fiican u wada shaqeeyaan” ayuu sii raaciyay tababare Jose Mourinho.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close