Zidane oo ku dhawaaqay liiska xiddigha Real Madrid ee kulanka Roma… (Miyuu ku jiraa Gareth Bale?)

(Madrid) 11 Agoosto 2019. Zinedine Zidane ayaa daaha ka qaaday liiska xiddigaha kooxda Real Madrid ee ka qeyb galaya kulanka AS Roma.

Kulankan ayaa ah kii ugu dambeeyay saaxiibtinimo kulamada ay ugu diyaar garoobeysay kooxda Real Madrid xili ciyaareedka cusub ee 2019/2020.

Waxaa liiska xiddigaha kooxda Real Madrid uu daaha ka qaaday tababare Zidane dib ugu soo laabtay xiddigaha Gareth Bale iyo Luka Modrić.

Balse taasi badalkeeda waxaa liiskan ka maqan xiddigo ay ka mid yihiin kabtanka Sergio Ramos, James Rodríguez iyo Mariano Díaz.

Haddaba halka hoose kaga boggo liiska xiddigaha kooxda Real Madrid uu ku dhawaaqay Zinedine Zidane waxaana ka mid ah:

Goolhayayaasha: Keylor Navas, Thibaut Courtois iyo Fuidus.

Daafacyada: Dani Carvajal, Álvaro Odriozola, Éder Militão, Rafael Varan, Nacho Fernandez iyo Marcelo.

Khadka dhexe: Casemiro, Valverde, Toni Kroos, Luka Modric, Isco iyo Lucas Vazquez.

Dhanka Weerarka: Vinícius Júnior., Eden Hazard, Gareth Bale, Karim Benzema iyo Luka Jović.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close