“PSG kuma iibin doonto Neymar Jr wax ka yar lacagtan” – Wargeyska Le Parisien

(Paris) 11 Agoosto 2019. Kooxda Paris Saint-Germain ayaa ku adkeysaneysa inay hesho qiimaha ay dooneyso inay ku iibiso xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr iyadoo aan waxba qa maqneyn inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga 2019.

Paris Saint-Germain ayaa dooneysa inay hesho qiimo dhan 200 milyan euro, si ay u iibiso Neymar Jr oo si cad u sheegay inuu doonayo ka tagista garoonka Parc des Princes, waxaana lala xiriirinayaa inuu xiisa xoogan ka helayo kooxaha Barcelona iyo Real Madrid.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Le Parisien” ee dalka France maadaama Neymar Jr uu isaga xiisaneyo inuu baxo, kooxda Paris Saint-Germain ayaa waxay dooneysaa inay ka soo xareyso dhaqaale badan.

Waxaa xusid mudan in lacagaha ay ku dooneyso PSG  xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr uu ka agdhowyahay qiimaha uu kaga soo dhaqaaqay kooxda Barcelona ee gaarsiisnaa 222 milyan euro.

Wargeyska “Marca” ayaa sheegay in Barcelona aysan diyaar u ahayn in heshiiska Neymar ay ku bixiso wax lacago ah xitaa hal euro, maamulka kooxda reer Catalonia ayaa kaliya u furan inay heshiis isdhaafsi ah la galaan, waxayna diyaar u tahay inay ku wareyjiso PSG 2 ciyaartoy, si ay kaga hesho adeega Neymar Jr.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu dhankiisa sheegay in hadii Paris St Germain ay diiday heshiis isdhaafsi ah ay adkaan doonto fursada uu Neymar Jr dib ugu laabanayo garoonka Camp Nou.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close